Maxkamadda Ciidanka oo dil ku fulisay Rag oo ku jiro Macalin Ilkacase

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Saddex ka mid ahaa dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.

Raggan oo loo heysto dilal ay ka geysteen Muqdisho ayaa horay loogu xukumay dilka toogashada ah waxaana saaka lagu fuliyay dilkaasi.

Maxamed Xaaji Axmed oo magiciisa Afgarshadu ahaa Ilkacase. Saalim Saciid Maxamed oo magiciisa Afgarashadu ahaa Salmaan & Axmed Maxamed Haashim oo magiciisu Afgarashadu ahaa Carab ayaa lagu wada fuliyay Dil toogasha ah oo ay horay ugu xukumeen Heerarka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Waxaa ay ka tirsanaayeen Shabakad fulisa dilalka qorsheysan oo hoostagta xarakada Al shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *