Qarax lala beegsaday Maareeyaha Dekadda Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Degmada C/Casiis ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lala beegsaday Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Washitoon.

Qarax ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday oo marayay Isgoyska Mirinaayo ee Degmada C/Casiis,waxaana wararku sheegayaan in ,Maareeyaha uu ka badbaaday weerarkaas.

Weerarkan oo Miino ahaa ilaa hadda ma jirto cid sheegatay hayeeshee waxaa uu ku soo aaday iyada oo xalay Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Agagaarka Airportka Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen 8 Qof kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Amaanka Magaalada ayaa ka soo daraya kaddib buuqii siyaasadeed ee ka dhashay shirkii Musharrixiinta ay ku yeesheen Muqdisho.

Waxaana xigay hanjabaaddii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ku aaddaneyn Musharrixiinta qaabka qabiilka ugu gooddiyay dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *