Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Galmudug oo xabsiga Garowe ku booqday Maxaabiis ku xiran

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Xabsiga dhexe ee Garoowe ku booqday maxaabiis reer Galmudug ah.

Wafdigan Xildhibaanada ah oo dhowaan Garoowe utagey soo deynta 17 maxbuus oo kasoo jeeda deegaanada Galmudug kuwaa oo dambiyo burcad badeednimo ah ugu xirnaa mudo dheer xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa booqasho ugu tagey maxaabiista oo ay u sameeyeen dhiirigalin iyagoo xabsiga ugu geeyay xoolo nool oo loo qaley iyo dhar ay xidhaan.

Galmudug ayaa horay puntland uga dalbatey soo deynta maxaabiistan iyadoo baarlamaanka Puntland uu dhowaan baabi’iyay sharcigii heynta maxaabiistan taasi oo durbadiiba fududeysay in Galmudug dalbato in lagu soo wareejiyo maxaabiistan oo dartood wafdigan loogu diray garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *