Mareykanka oo sheegay in dowladda Somaliya ku fashilantay dhismaha Ciidankeeda

Dowladda Mareykanka ayaa  ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku fashilantay dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasaaraxdda Difaaca Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in 13 sano oo dowladda Soomaaliya uu Mareykanka ka caawinayay dhismaha Ciidanka, qalabeyntooda iyo tababarkooda aysan dowladdu gaaro yoolkii laga lahaa.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda difaaca Mareykanka oo lagu magacaabo Sean O’Donnell, ayaa Sheegay in Soomaaliya ciidankeeda aysan ku fileyn Amaanka dalka walina ku tiirsantahay Ciidamada Amisom iyo Kuwa Mareykanka.

Dhinaca kale sarkaalkan ayaa sheegay in Ciidamada Al shabab ay kordhiyeen weerarradooda 3dii sano ee la soo dhaafay Islamarkaana al Shabab awood u leedahay in ay beegsato danaha reer Galbeed ka ee geeska Afrika.

Daacish iyo Al Qaaciddada galbeedka Afrika ayuu sheegay in Mareykanka uu ka adkaaday iyaga oo aan hadda qatar ku heyn amniga gudaha ee Mareykanka iyo danahiisa galbeedka Afrika.

Mareykanka ayaa Dowladda Sooomaaliya ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen dhismaha Ciidamada iyaga oo taageero ka helaya beesha Caalamka hayeeshee ay isku halleynayaan Ciidamada Shisheeye.

Mareykanka ayaa dhinaca kale sheegay in tirada Ciidamada Al shabaab ay u dhaxeyso 5000 ilaa 10000 wax koror ahna uusan ku imaan cudurka Karoonaha dartiis.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan shaaciyay in uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya ka hor inta uusan xafiiska banneyn 20ka January.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *