Sharikadaha Duullimaadyada gudaha oo shaqo joojin ku dhaqaaqay

Muran xoog leh ayaa Saaka ka taagan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka dib markii ay joogsadeen duulimaadyadii aadi jiray qaar ka mid ah gobolada dalka sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaar ka mid ah Shirkaddaha diyaaradaha ayaa ka gadooday ka dib markii mid ka mid ah Shirkaddaha diyaaradaha la sheegay in dowladda Soomaaliya ay shaqada ka joojisay Guddiga diyaaradaha ayaa shalay ku dhawaaqay shaqo joojinta markii diyaaradaha qaar laga joojiyay in ay aadaan degmada Doolow ee Gedo.

Guud ahaan maanta waxa ay joojiyeen Shirkaddaha safaradii ay ahayd inay maanta ku tagaan gobolada dalka.

Hadda buuq ayaa ka taagan gudaha garoonka, waxaana xayiran boqolaal rakaab ah oo maanta dhoofi rabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *