Safaaradda Mareykanka oo war ka soo saartay kulankii RW Rooble

Safaaradda Mareykqanka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay kulan Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

War-saxaafadeed ayaa lag sheegay in dowladda Mareykanka ay u hambalyeyneyso Ra’isalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Safaaradda ayaa caddeysay inay isku afgarteen Ra’iisul Wasaaraha in horay loo sii wado arrimihii horay loo sii waday sida dib u habeynta arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo maamul wanaaga.

“Waxaan isku afgaranay ahmiyada ay leedahay in waqtiga doorashada lagu dhaqmo iyo hirgelinta heshiiskii doorashada, maamul wanaaga, iyo sii wadida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga ayaa lagu yiri”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka taageerada weyn siiya Soomaaliya, sida Amniga, Dhaqaalaha, doorashooyinka iyo dhinaca gargaarka bani’aadanimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *