Muwaaddiniin Australia u dhashay oo ku xaniban Muqdisho

In ka badan 40 Muwaaddiniin u dhashay Dalka Australi ayaa ku xanibay Muqdishoiyo Nairobi waxaana ay baaq u direen Dowladda Australia.

Xaawo Axmed oo 82 jir ah iyo wiilkeeda C/Shakuur Aadan waxaa ay Muqdisho ku xayiranyihiin ilaa Bishii March ee sanadkan,waxaana ay ku sugantahay xaalad caafimaad oo aan wanaagsaneyn.

Xaawa ayaa Soomaaliya oo ay asal ahaan ka soo jeeddo u timid in ay aragto Carruurta ay Ayeeyada u tahay hayeeshee waxaa ku xirmay duullimaadyada Cudurka Carona dartiis.

Waxaa ay sheegtay in ay qabto Xanuunnada Sokorta,Dhiikarka iyo Wadna xanuunka,waxaa ay intaas ku dartay in ay ka dhamaaneyso lacagtii aysanna iibsan karin Daawo tayo leh.

Sharikadaha Duulimaadyada Afrika ee Tikidhada u jaray Muwaaddiniinta Australia ayaa iyaguna sheegaya in ay ka joogi la’yihiin wicitaannada dadka Australia u dhashay ee ka walwalsan safarkooda.

Maxamed Cabdullahi oo ka mid ah Sharikadaha Duullimaadyada ayaa sheeggay in duullimaadyada lajoojiyay,inta badan dadka soo wacayana ay ku suganyihiin Soomaaliya,Jabuuti,Itoobiya iyo Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *