Cumar Finish oo amray ka hortagga Ganacsiga Maandooriyaha iyo Kufsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna dqa Muqdisho Cumar Finish ayaa waxaa uu amray in Hay’adaha amaanka Gobolka Banaadir ay wax ka qabtaan amniga magaalada Muqdisho, tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha.

Kulanka todobaadlaha ah ee madaxda Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu lafa guray arrimaha sare ku xusan waxaana la isku afgartay in la dardargeliyo qodobada lagu heshiiyay.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka, ku xigeennada Guddoomiyaha Gobolka, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku kordhay dhaca dadweynaha, Kufsiga iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *