Raaqiya Ismaaciil oo iska casishay Xisbiga shaqaalaha UK

Haweeney Soomaaliyeed islamarkaana duq magaalo ka ah dalka UK ayaa iska casishay xilkii ay ka heysay Xisbiga Shaqaalaha ee dalkaasi.

Raaqiya oo khudbad ka jeedisay shirka Golaha Xisbiga ayaa sheegtay in is casilaaddeeda ay salka ku heyso quursi iyo Ixtiraam la’aan ay kala kulantay hoggaanka Xisbiga.

Waxaa ay xilkeeda ku wareejisay xubin ka mid ah Golaha oo lagu magacaabo  Janet Burgess, iyada oo sheegtay in warbixin dhameystiran ay dib ka shaacin doonto/

Kulanka Golaha Xisbiga Shaqaalaha oo lagu qabtay Aaladda Zoomka ayey Raaqiya ka sheegtay faquuqa iyo quursiga ay kula kaceen hoggaanka Xisbiga iyada oo muddo lix sano ah heysay xilkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *