Kulan dhex maray Cumar Filish iyo xildhibaanada Hawiye iyo olole xoog leh oo bilaawday

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ku metela beelaha Hawiye ayaa xalay kulan casho ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankaas ayaa looga dooday sababta heshiiska doorashooyinka loogu soo dari waayey 13-ka kursi ee gobolka Banaadir dhawaan laga siiyey golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada qaar ayaa guddoomiye Cumar Filish, Farmaajo, Waare iyo Qoor Qoor aad ugu dhaleeceeyey inay ku guul-dareysteen in heshiiskaas ay ku soo daraan metelaadda Muqdisho.

Heshiiskaas ayaa lagu wadaa in maanta cod loo qaado oo baarlamaanka la hor geeyo, waxayna xildhibaanada beelaha Hawiye Muqdisho ka wadaan  olole lagu doonayo in 13-ka kursi ee gobolka Banaadir lagu soo daro heshiiska maanta la hor geynayo baarlamaanka.

Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la aaminsanyahay in ay aad u diidanyihiin 13-kaas kursi ee gobolka Banaadir laga siiyey golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *