BFS oo maanta yeelanaya kulan wadajir ah iyo ajendaha oo ah mid xasaasi ah

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan kulan wadajir ah, kaas oo la hor geynayo heshiiskii doorasho ee dhawaan ay Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Dood culus ayaa bilaabatay kadib markii heshiiskaas laga reebay metelaadda Muqdisho, gaar ahaan 13-kii kursi ee gobolka Banaadir laga siiyey golaha Aqalka Sare.

Waxaa jira xildhibaano dhowr ah oo diidan heshiiskaas, kuwaas oo ku doodaya in ansixintiisa lagala cararayo ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukuumadiisa, maadaama markii lagaarayey aanba la magacaabin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *