Baarlamaanka Soomaaliya oo ansxiyay heshiiskii siyaasadeed ee DF iyo Dowlad Goboleedyada.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey heshiiskii dhawaan dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

255 Xubnood oo ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka u qaaday heshiiska iyada oo oggol  ay u codeeyeen 252 Xildhibaan halka laba Xildhibaan ay diidday midna uu ka aamusay.

Heshiiskan ayaa noqonaya mid faraya in doorashada Dalka ay ku dhacdo waqtigeeda islamarkaana Hay’adaha dastuuriga ah ay xilka siihayaan inta laga dhisayo hay’adaha beddelaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *