Ciidamada Jubaland oo Miinooyin ka saaray Waddada isku xirta Goobweyn iyo Yoontooy

Ciidamada amaanka Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay miinooyin ka saareen waddaada xiriirisa degaannaa Goobweyn iyo Yoontooy ee Gobolka Jubada hoose.

Saraakiisha hay’adaha amniga Jubaland ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad aasayay miinooyinka.

Waxaa ay intaas ku dareen in dadka loo soo qabtay falkaasi ay baaritaano ku socdaan islamarkaana la horgeynayo hay’adaha garsoorka Maamulka Jubaland.

Ciidamada Jubaland ee jooga duleedka Kismaayo ayaa sheegay in ay fulinayaan howlgallo ka dhan ah dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *