Qaramada Midoobey oo dalbatay in la kordhiyo dhaqaalaha ku baxa gargaarka Soomaaliya

 Hay’adda Qaramada  Midoobey   u qaabilsan arrimaha gargaarka ee UNOCHA  ayaa ku baaqday in sare loo qaado dhaqaalaha lagu bixiyo gargaarka Soomaaliya.

Xafiiska isku dubbaridka arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay  hoosu dhaca ku yimid fulinta mashaariicda ay la xiriirto dhaqaale la’aanta taas oo saameyn ku yeelan karta guulihii dhinaca gargaarka ee Soomaaliya.

Xafiiska  OCHA ayaa  sheegay in dhibaatada hadda taagan  ay sabab u tahay saddex dhibaato oo kala ah, COVID19, Daadadka  iyo Ayaxa, waxaana ay sare u qaadeen baahida gargaarka ee Soomaaliya.

Sida ka muuqata warbixin ka soo baxday xafiiska  OCHA   barnaamijka qorsheynta howlaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa u baahan $1.01Bilyan  oo doollar si loogu kaalmeeyo 3milyan oo qof oo ka mid ah 5.2Milyan oo baahi gargaar ay ku heyso Soomaaliya, warbixinta ayaa lagu xusay in lahelay kaliya $575Milyan oo ka mid ah lacagaha loo baahnaa.

Waxaa kaleoo lagu xusay warbixinta In Hay’ado badan oo fuliyaha howlaha gargaarka ay heleen 35%  dhaqaalihii ay dalbadeen ee ay ku howlgeli lahaayeen.

Warbixinta xafiiska UNOCHA ayaa lagu sheegay in ay bahwadaag latahay 363 hay’dood  oo gagaarka naf badbaadinta ah ee Soomaaliya si loo badbaadiyo nolosha Saddex Milyan oo qof oo ka mid ah 5.2 Milyan Soomaalia ah oo gargaar u baahan.

Xigasho: Xinhua

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *