Seddex Heshiis Oo Waa Weyn Oo La Dhameystiri Doona 48da Saacadood Ee Soo Socota

Suuqa kala iibsiga kooxaha Yurub ayaa ku socda si dardar leh iyadoo ciyaartoy badan oo magac leh ay kala wareegayaan, waxaana la filayaa 48da saacadood ee soo socota in la dhameystiri doono seddex heshiis oo waa weyn.

Weeraryahanka Atletico Madrid Alvaro Morata ayaa daqiiqado ka dib ka duulaya magaalada Madrid isagoo ka degi doona magaalada Torino ee dalka Talyaaniga caawa saq dhexe waqtiga Talyaaniga.

Wuxuu berri subax bilaabayaa tijaabada caafimaadka ka hor inta aan isla berri lagu dhawaaqin heshiiska amaahda ee uu ugu soo wareegayo Atletico Madrid.

Weeraryahanka reer Spain ayaa la sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dib ugu laabto Juventus oo uu wacdarro u dhigay markii ugu horeysay ee uu amaah ugu wareego.

Juventus waxay bixineysaa 9 milyan euro oo heshiiska amaahda ah halka ay sidoo kale ku iibsan karaan ciyaaryahanka 45 milyan euro marka uu dhamaado heshiiska amaahda.

Marka ay Juventus dhameystirto heshiiska amaahda ee Alvaro Morata, waxaa la filayaa in Luis Suarez uu isna dhameystiri doono ku biiritaankiisa kooxda Atletico Madrid isagoo bedelaya Morata.

Suarez oo si carro leh uga tagaya Barcelona ka dib markii uu tababare Ronald Koeman ku wargeliyay inuusan u baahneyn ayaa heshiis labo sannadood ah u saxiixi doona kooxda tababare Diego Simeone.

Heshiis kale oo lagu dhawaaqi doono berri ama maalinta ku xiga waa saxiixa xiddiga Barcelona Nelson Semedo kaasoo si rasmi ah ugu biiraya kooxda Premier League ka dhisan ee Wolves.

Daafaca garabka ka ciyaara ayaa Wolves u saxiixi doona heshiis shan sannadood ah, iyadoo Barcelona ay ku iibineyso qiimo aakhirkii gaari doona 35 milyan euro.

Semedo ayaa caawa ama berri subax gaari doona Ingariiska si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu wareegayo kooxda Wolves.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *