DEG DEG: Barcelona & Atletico Madrid Oo Ugu Danbeyn Ka Heshiiyay Saxiixa Weeraryahan Luis Suarez

Atletico Madrid ayaa heshiis kala gaartay Barcelona saxiixa weeraryahan Luis Suarez, sida ay sheegtay goor dhaweyd idaacada Cadena Ser.

Waxaa la sheegayaa in Atletico Madrid ay siin doono Barcelona lacag aan cadadkeeda la sheegin oo ay ku iibsanayaan ciyaaryahanka inkastoo markii hore ay Barcelona ku fasaxday ciyaaryahan si xor ah balse ka laabatay go’aankaas markii ay ogaadeen inuu ku biirayo koox ay xafiiltamaan.

Mar sii horeysay maanta oo Talaado ah, Suarez ayaa la sheegay inuu aad uga carooday in Barcelona ay ka horjoogsatay ku biiritaankiisa Atletico Madrid, laakiin haatan waxaa la soo sheegayaa in heshiis la gaaray.

Heshiiska uu Suarez ugu wareegayo Atletico ayaa waxaa la socda midka uu ku baxayo weeraryahan Alvaro Morata kaasoo heshiis amaah hal sanno ah ugu wareegaya kooxda Talyaaniga ee Juventus.

Tababare Diego Simeone iyo madaxa kooxda Atletico Miguel Angel Gil Marin ayaa la sheegay inuu xiriir joogta ah la sameynayeen xiddiga reer Uruguay, waxayna haatan soo gabagabeeyeen mid ka mid ah heshiisyadii ugu cajiibsanaa xagaagan.

Inkastoo uu 21 gool dhaliyay xilli ciyaareed ay dhaawacyo diloodeen, Suarez ayaa heerkiisa uu hoos u dhacay xilli ciyaareedkii ugu danbeysay, waxaana lagu wargeliyay inuusan qeyb ka aheyn qorshaha tababaraha cusub ee Barcelona Ronald Koeman.

Suarez ayaa dhaliyay 197 gool 283 kulan uu u saftay Barcelona tan iyo markii uu uga soo biiray kooxda Liverpool xagaagii 2014.

Saaxiibkiisa Barcelona Lionel Messi ayaa la sheegayay inuu isku dayayay inuu ka dhaadhiciyo Suarez inuu sii joogo Camp Nou, laakiin xiddigaan ayaa ka carooday sida xun ee ay maamulka kooxda u la dhaqmeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *